Workers with Temporary Protected Status: Protect Your Right to Work (Somali)

us-doj-guidance-CRT-1315971Workers with Temporary Protected Status: Protect Your Right to Work (Somali)Guidance

Wasaaradda Cadaaladda Maraykanka, Qaybta Xuquuqda Madaniga, Qaybta Xuquuqda Muhaajirka iyo Shaqaalaha, Oktoobar 2018
WASAARADDA CADAALADDA MARAYKANKA
QAYBTA XUQUUQDA MADANIGA
QAYBTA XUQUUQDA MUHAAJIRKA 	SHAQAALAHA	&
eerka Ku-Meelgaarka Loo Ammaangaliyo
(TPS) ayaa siinaysa shaqaalaha xuquuq ay
si ku meelgaar ah ugu joogaan Maraykanka.
Haddii aad haysato ammaangalka TPS, wax
aad u qalantaa ruqsadda shaqada, oo
walibana loo yaqaan Cadaynta U Oggolaanshaha
Shaqada (EAD). Kuwa leh Hirgalinta Dhoofinta Dib Loo
Dhigay (DED) ayaa sidoo kale leh xaqan shaqaynta, oo
macluumaadka hoos ku qoran ayaa guud ahaan khuseysa
shaqaalaha leh Hirgalinta Dhoofinta Dib Loo Dhigay (DED)
marka lagu daro shaqaalaha leh heerka ammaagalinta
TPS. Sharciga xukumaya TPS ayaa ku yaal 8 USC § 1254(a)
oo xeerarkuna waxay ku yaallliin 8 C.F.R. 244.
Madaxwaynaha ayaa oggolaan kara DED taasoo qayb ka
ah awoodda madaxweynanimada ee socodsiinta arrimaha
xiriirka dibadda. Xeerarka ku saabsan qaybaha dadka
uqalma oggolaanshaha shaqada ayaa ku yaal
8 C.F.R. 274a.12.
Dukumentigaaga shaqada ee EAD ayaa laga yaabaa inay
sii sharciyeysnaato markay taariikhda dhicitaankeeda
dhaafto.
Dawladda ayaa dhici karta inay u kordhiso heerka
ammaangalinta TPS dalkaaga. Dawladda ayaa dadka ku
wargalisa u dheeraynta ammaangalinta TPS joornaalka
Federal Register. Haddii ay dawladdu u dheereyso
ammaangalinta TPS dalkaaga, joornaalka Federal Register
ayaa kuu wargalin doona inay tahay inaad dib isku
diiwaangeliso ammaangalinta TPS oo aad codsato
dukumentiga shaqada EAD oo cusub si aad u sii wadato
shaqaynta.
Mararka qaarkood, dawladda ayaa walibana u dheereysa
ammaangalinta TPS iyo dukumentiyada shaqada ee EAD
iyada oo u marta joornaalka Federal Register. Ogaysiiska
joornaalka Federal Register ayaa kuu sheegi doona haddii
ay dukumentiyada shaqada EAD-yadu si toos ah u
leeyihiin taariikh cusub oo dhicitaan si aad u sii wadan
karto shaqada inta aad sugeyso dukumentiga shaqada
EAD ee cusub. Booqo www.uscis.gov/tps si aad u hesho
macluumaadka ku saabsan ammangelinta TPS ee dalkaaga
iyo ogaysiiska joornaalka Federal Register.
Haddii ayna dawladdu si toos ah kuugu dheerayn
muddada dukumentiga shaqada (EAD) iyada oo u marta
Ogaysiiska Diiwaangelinta Federaalka laakiin aad codsatay
in laguu cusbooneysiiyo ammaangalinta (TPS) iyo
SHAQAALAHA LEH HEERKA KU-MEELGAARKA LOO AMMAANGALIYO
ILAASHO XUQUUQDAADA SHAQADA
H dukumentiga shaqada (EAD), waxaad awoodi kartaa inaad
shaqaynta ku sii wadato kadib taariikhda dhicidda ku taal
dukumentigaaga shaqada (EAD), inta aad sugayso fasaxa
cusub ee shaqada (EAD).
Illaa 180 maalmood ka dib taariikhda dhicidda u fasaxaaga
shaqada EAD, waxaad soo dhiibi kartaa
ammaangalintaada TPS (laakiin aan ahayn Hirgalinta
Dhoofinta Dib Loo Dhigay (DED)) iyo dukumentigaaga
shaqada ee EAD oo wadata ogeysiiska rasiidka ee I-797C
oo muujinaya in dawladdu heshay codsigaaga
cusbooneysiinta EAD. Haddii ogeysiiska joornaalka
Federal Register uu si toos ah u dheereeyo muddada
dukumentigaaga shaqada (EAD), uma baahnid inaad u
tusto ogeysiiskaaga I-797C iyo dukumentiga shaqada
(EAD) si aad shaqaynta u sii wadato. Wixii macluumaad
dheeraad ah ee ku saabsan u dheeraynta tooska ah ee
dukumentiga shaqada EAD-yada, akhri Xaashidan Xogta
USCIS, Buug-gacmeedka loogu talagalay
loo-shaqeeyayaasha ee ku saabsan Buuxinta foomka I-9,
iyo 8 C.F.R. 274a.2(b)(1) (vii). Waxa kale oo aad wici
kartaa Qaybta Xuquuqda Muhaajirka iyo Shaqaalaha (IER)
si aad u hesho wixii macluumaad dheeraad ah.
Complete printed PDF page 1
Wasaaradda Cadaaladda Maraykanka, Qaybta Xuquuqda Madaniga, Qaybta Xuquuqda Muhaajirka iyo Shaqaalaha, Oktoobar 2018
Qoraalkani ma aha tallaabo kama dambeys ah oo hay’adeed, oo ma laha wax saamayn sharci ah oo la siku qaadayo, oo laga yaabo in
laga noqdo ama wax lagaga beddelo iyada oo Waaxdu u gacan bannaan tahay, iyada oo la raacayo sharciyada khuseeya. Qoraalkani ma
dhidbayo xilal sharci ahaan lagu fulin karo oo ka baxsan waxa loogu baahan yahay xeerarka, qawaaniinta, qawaaniinta, ama xukun hore
oo la qaaday oo arrinta khuseeya.
Qaybta Xuquuqda Muhaajirka iyo Shaqaalaha (IER)
1-800-255-7688
www.justice.gov/ier
Wicitaanka ayaa qarsoodi noqon kara, adeegyo
luuqadna waa la heli karaa.
TTY 1-800-237-2515
Dukumentigaaga shaqada EAD ayaa shaqaynayaa
illaa dhammaadka muddada u dheeraynta
shaqaynta EAD.
Haddii aad leedahay muddo u dheerayn shaqayn EAD si
toos ah loo bixiyay, muddo u dheerayntaada EAD ama
isku-jirka muddada u dheeraynta EAD iyo ogeysiinta
I-797C ayaa ah caddayn sharci oo Form I-9 ah illaa
dhammaadka muddada u dheeraynta shaqaynta EAD.
Waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku
saabsan tan adiga oo kala xiriira qaybta Xuquuqda
Muhaajirka iyo Shaqaalaha (IER) iyo halkan
8 C.F.R. 274a.2(b)(1)(vii). Haddii loo-shaqeeyahaagu
uusan aqbalin caddayntaada ama uu ku weyddiisto
dukumentiyo dheeraad ah, wac IER oo waxa laga yaabaa
inaan ku caawin karno. Iyada oo ku xiran xaqiiqooyinka,
tani waxa waliba laga yaaba in ay xadgudub ku tahay
xeerka IER meelmariso ee 8 U.S.C. § 1324b(a)(6).
Dhamaadka muddada u dheeraynta
shaqaynta EAD, waxa lagaaga baahan yahay
inaad tusto loo-shaqeeyahaaga in laguu
oggolyahay inaad sii wadato shaqaynta.
Marky muddada u dheeraynta shaqaynta EAD ay
dhammaato, dukumentiga u dheeraynta EAD marka
intaas ka dambaysa ma shaqaynayso. Sharci ka duwan
(8 USC § 1324a) hoostiisa, loo-shaqeeyahaaga waxa
looga baahan yahay inuu arko dukumenti kale oo loogu
talagalay Foom I-9 si loo eego in laguu oggol yahay inaad
shaqeyso iyo in kale. Dhammaadka muddadan u
dheeraynta ah, waa inaad heshaa caddayntaada shaqada
(EAD) ee cusub. Waxaad tusi kartaa loo-shaqeeyahaaga
dukumeentigaas ama wax kale oo kasta oo la aqbali karo
oo ah caddaynta Liistada A ama Liistada C.
Adeegyada Muwaaddinimada iyo Socdaalka
Maraykanka (USCIS)
1-800-375-5283
www.uscis.gov/tps
TTY 1-800-767-1833
Complete printed PDF page 2

Continue your research in ChatGPT or Claude

Connect Omnilex to search the legal corpus from your AI assistant.