us-doj-guidance-CRT-1315971•Workers with Temporary Protected Status: Protect Your Right to Work (Somali)
Workers with Temporary Protected Status: Protect Your Right to Work (Somali)
us-doj-guidance-CRT-1315971Workers with Temporary Protected Status: Protect Your Right to Work (Somali)Guidance
Wasaaradda Cadaaladda Maraykanka, Qaybta Xuquuqda Madaniga, Qaybta Xuquuqda Muhaajirka iyo Shaqaalaha, Oktoobar 2018 WASAARADDA CADAALADDA MARAYKANKA QAYBTA XUQUUQDA MADANIGA QAYBTA XUQUUQDA MUHAAJIRKA SHAQAALAHA & eerka Ku-Meelgaarka Loo Ammaangaliyo (TPS) ayaa siinaysa shaqaalaha xuquuq ay si ku meelgaar ah ugu joogaan Maraykanka. Haddii aad haysato ammaangalka TPS, wax aad u qalantaa ruqsadda shaqada, oo walibana loo yaqaan Cadaynta U Oggolaanshaha Shaqada (EAD). Kuwa leh Hirgalinta Dhoofinta Dib Loo Dhigay (DED) ayaa sidoo kale leh xaqan shaqaynta, oo macluumaadka hoos ku qoran ayaa guud ahaan khuseysa shaqaalaha leh Hirgalinta Dhoofinta Dib Loo Dhigay (DED) marka lagu daro shaqaalaha leh heerka ammaagalinta TPS. Sharciga xukumaya TPS ayaa ku yaal 8 USC § 1254(a) oo xeerarkuna waxay ku yaallliin 8 C.F.R. 244. Madaxwaynaha ayaa oggolaan kara DED taasoo qayb ka ah awoodda madaxweynanimada ee socodsiinta arrimaha xiriirka dibadda. Xeerarka ku saabsan qaybaha dadka uqalma oggolaanshaha shaqada ayaa ku yaal 8 C.F.R. 274a.12. Dukumentigaaga shaqada ee EAD ayaa laga yaabaa inay sii sharciyeysnaato markay taariikhda dhicitaankeeda dhaafto. Dawladda ayaa dhici karta inay u kordhiso heerka ammaangalinta TPS dalkaaga. Dawladda ayaa dadka ku wargalisa u dheeraynta ammaangalinta TPS joornaalka Federal Register. Haddii ay dawladdu u dheereyso ammaangalinta TPS dalkaaga, joornaalka Federal Register ayaa kuu wargalin doona inay tahay inaad dib isku diiwaangeliso ammaangalinta TPS oo aad codsato dukumentiga shaqada EAD oo cusub si aad u sii wadato shaqaynta. Mararka qaarkood, dawladda ayaa walibana u dheereysa ammaangalinta TPS iyo dukumentiyada shaqada ee EAD iyada oo u marta joornaalka Federal Register. Ogaysiiska joornaalka Federal Register ayaa kuu sheegi doona haddii ay dukumentiyada shaqada EAD-yadu si toos ah u leeyihiin taariikh cusub oo dhicitaan si aad u sii wadan karto shaqada inta aad sugeyso dukumentiga shaqada EAD ee cusub. Booqo www.uscis.gov/tps si aad u hesho macluumaadka ku saabsan ammangelinta TPS ee dalkaaga iyo ogaysiiska joornaalka Federal Register. Haddii ayna dawladdu si toos ah kuugu dheerayn muddada dukumentiga shaqada (EAD) iyada oo u marta Ogaysiiska Diiwaangelinta Federaalka laakiin aad codsatay in laguu cusbooneysiiyo ammaangalinta (TPS) iyo SHAQAALAHA LEH HEERKA KU-MEELGAARKA LOO AMMAANGALIYO ILAASHO XUQUUQDAADA SHAQADA H dukumentiga shaqada (EAD), waxaad awoodi kartaa inaad shaqaynta ku sii wadato kadib taariikhda dhicidda ku taal dukumentigaaga shaqada (EAD), inta aad sugayso fasaxa cusub ee shaqada (EAD). Illaa 180 maalmood ka dib taariikhda dhicidda u fasaxaaga shaqada EAD, waxaad soo dhiibi kartaa ammaangalintaada TPS (laakiin aan ahayn Hirgalinta Dhoofinta Dib Loo Dhigay (DED)) iyo dukumentigaaga shaqada ee EAD oo wadata ogeysiiska rasiidka ee I-797C oo muujinaya in dawladdu heshay codsigaaga cusbooneysiinta EAD. Haddii ogeysiiska joornaalka Federal Register uu si toos ah u dheereeyo muddada dukumentigaaga shaqada (EAD), uma baahnid inaad u tusto ogeysiiskaaga I-797C iyo dukumentiga shaqada (EAD) si aad shaqaynta u sii wadato. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan u dheeraynta tooska ah ee dukumentiga shaqada EAD-yada, akhri Xaashidan Xogta USCIS, Buug-gacmeedka loogu talagalay loo-shaqeeyayaasha ee ku saabsan Buuxinta foomka I-9, iyo 8 C.F.R. 274a.2(b)(1) (vii). Waxa kale oo aad wici kartaa Qaybta Xuquuqda Muhaajirka iyo Shaqaalaha (IER) si aad u hesho wixii macluumaad dheeraad ah.
Wasaaradda Cadaaladda Maraykanka, Qaybta Xuquuqda Madaniga, Qaybta Xuquuqda Muhaajirka iyo Shaqaalaha, Oktoobar 2018 Qoraalkani ma aha tallaabo kama dambeys ah oo hay’adeed, oo ma laha wax saamayn sharci ah oo la siku qaadayo, oo laga yaabo in laga noqdo ama wax lagaga beddelo iyada oo Waaxdu u gacan bannaan tahay, iyada oo la raacayo sharciyada khuseeya. Qoraalkani ma dhidbayo xilal sharci ahaan lagu fulin karo oo ka baxsan waxa loogu baahan yahay xeerarka, qawaaniinta, qawaaniinta, ama xukun hore oo la qaaday oo arrinta khuseeya. Qaybta Xuquuqda Muhaajirka iyo Shaqaalaha (IER) 1-800-255-7688 www.justice.gov/ier Wicitaanka ayaa qarsoodi noqon kara, adeegyo luuqadna waa la heli karaa. TTY 1-800-237-2515 Dukumentigaaga shaqada EAD ayaa shaqaynayaa illaa dhammaadka muddada u dheeraynta shaqaynta EAD. Haddii aad leedahay muddo u dheerayn shaqayn EAD si toos ah loo bixiyay, muddo u dheerayntaada EAD ama isku-jirka muddada u dheeraynta EAD iyo ogeysiinta I-797C ayaa ah caddayn sharci oo Form I-9 ah illaa dhammaadka muddada u dheeraynta shaqaynta EAD. Waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan tan adiga oo kala xiriira qaybta Xuquuqda Muhaajirka iyo Shaqaalaha (IER) iyo halkan 8 C.F.R. 274a.2(b)(1)(vii). Haddii loo-shaqeeyahaagu uusan aqbalin caddayntaada ama uu ku weyddiisto dukumentiyo dheeraad ah, wac IER oo waxa laga yaabaa inaan ku caawin karno. Iyada oo ku xiran xaqiiqooyinka, tani waxa waliba laga yaaba in ay xadgudub ku tahay xeerka IER meelmariso ee 8 U.S.C. § 1324b(a)(6). Dhamaadka muddada u dheeraynta shaqaynta EAD, waxa lagaaga baahan yahay inaad tusto loo-shaqeeyahaaga in laguu oggolyahay inaad sii wadato shaqaynta. Marky muddada u dheeraynta shaqaynta EAD ay dhammaato, dukumentiga u dheeraynta EAD marka intaas ka dambaysa ma shaqaynayso. Sharci ka duwan (8 USC § 1324a) hoostiisa, loo-shaqeeyahaaga waxa looga baahan yahay inuu arko dukumenti kale oo loogu talagalay Foom I-9 si loo eego in laguu oggol yahay inaad shaqeyso iyo in kale. Dhammaadka muddadan u dheeraynta ah, waa inaad heshaa caddayntaada shaqada (EAD) ee cusub. Waxaad tusi kartaa loo-shaqeeyahaaga dukumeentigaas ama wax kale oo kasta oo la aqbali karo oo ah caddaynta Liistada A ama Liistada C. Adeegyada Muwaaddinimada iyo Socdaalka Maraykanka (USCIS) 1-800-375-5283 www.uscis.gov/tps TTY 1-800-767-1833
Continue sua pesquisa no ChatGPT ou Claude
Conecte o Omnilex para pesquisar o corpus jurídico pelo seu assistente de IA.